Axmed Madoobe oo maanta Imaanaya Muqdisho iyo Xog ku aadan halka uu degayo

Waxaa maanta galinka dembi lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo la filayo in uu ka qeyb galo shir looga hadlayo arimaha doorashada.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Jubbaland ay wehliyaan ciidamo badan oo amaankiisa sugaya ayaa la filayaa in maanta soo gaaraan Muqdisho, Axmed Madoobe ayaana doortay in uu dego aaga garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Amaanka Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho waxaa sugi doona Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Jubbaland iyo ciidamo katirsan AMISOM kuwaa oo si gaar ahn loogu xil saaray ilaalinta amaankiisa.

Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u imaanaya in uu ka qeyb galo shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arimaha doorashada, shirkan ayaana lagu qaban doonaa markii ugu horeesay gudaha garoonka Aadan Cadde gaar ahaan teendhada Afisiyooni.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u dalbaday in shirka looga hadlayo arimaha doorashada lagu qabto gudaha garoonka Aadan Cadde sidoo kale la dejiyo meel amaankeeda la isku haleyn karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -