Nin 10 sano oo xabsi ah & ganaax ku muteystay hadal uu ku qoray baraha bulshada

Nin caan ah oo u dhashay dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii la sheegay in uu wax ka sheegay dowladda dalkaas, isaga oo isticmaalaya baraha bulshada.

Ahmed Mansuur oo 48 jir ah ayaa ah aabe afar caruur ah dhalay, ururada xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay talaabadan, iyagoo sheegay in xitaa loo diiday wax garyaqaan ah.

Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan $227,000, marka xabsiga laga siidaayana 3 sano ayaa lala socon doonaa dhaqdhaqaaqiisa.

Dacwad kale oo ahayd in uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada ayaa lagu waayay, balse waxaa lagu heley in uu baraha bulshada u isticmaalay in uu sumcad dilo Imaaraatka.

2011-kii ayuu ka mid ahaa dad la xirey kadib markii ay ku baaqeen in isbadalo siyaasadeed oo ka dhaca Imaaraatka, balse waa la cafiyay.

Imaaraatka oo ka kooban 7 gobol oo isu tagay ayaanan lahayn ururo mucaarad ah, waxayna dhammaan mamnuuceen xisbiyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -