Dawladnimada iyo dimuqraadiyadu waa Xeerarka iyo Xaquuqda dadka oo la ilaaliyo.

Dal iyo dad laguma haysan karo lagumana hogaamin karo xukun iyo xukuumad ku dhisan cabudhin, cagajuglayn, cabsi galin, cadaadis, colaadin, cudud ciidan iyo cuudka cashuurta oo lagu iibasado caqliga caamada.Doontista, damaca iyo dareenka qofka xukunka iyo xilka haya waxaa ka mudan, ka muhiimsan oo ka miisaan wayn doonista, dareenka, iyo dooda dadka doorashada iyo dimuqraadiyada rabba ee u riyaaqsan. dadkana laguma aamusin karo xadhig, xabsi, xoog, iyo xoolo dawladeed.Dadku waxay ku heshiiyeen, doonistooda, dareenkooda iyo dawladnimadooda looma dumiyo lagumana doorsado qof damaciisa iyo dantiisa gaarka ah.Doorashooyinku waa xaq iyo xaquuq muwaadinku leeyahay oo uu ku doorto qofkii uu dantiisa, tan deegaankiisa, iyo danta dalka ka dhex arko inuu hoggaamiyo oo horumariyo.Doorashada dadka iyo dalkaa u baahan oo ay daawo iyo dabiib u tahay horumarkiisa, horusocodkiisa iyo hanaqaadkiisa.Mudane Mansabka iyo masuuliyada laguu dhiibo waa wax mudo, maalmo iyo meel ay ku dhammaadaan leh lkn dalka iyo dadku ma dhamaadaan mana dhaqaaqaan.Hoggaamiye walba wuxuu ka tagaa taariikh, tilmaamo, iyo tusaalayaal u gala buugga dhigaalka dhacdooyinka iyo dhitooyinka ma guuraanka ah ee aan gaboobin.Qof iyo qabiil jacaylka waxa ka wayn oo waarayaa waa Qaranka ee hala wada ilaashado oo is fahmi waaga siyaasadeed waa in lagu xaliyo wadahadal, wadatashi, walaalnimo, waxgarad, waayeelnimo iyo waayo-aragnimo.Dadku waa inay doortaan qofkii danta dalka iyo dadka ka shaqayn kara ee qorshe iyo qadiyad qaranimo xambaarsan ee maahan inay qofka ku doortaan quud, qabiil, qaraabonimo iyo qof jeclaysi.Dal mid ah iyo Dad Mid ah Doorasho xor iyo xalaal ah Ayaan ku gaadhi karnaa Dimuqraadiyad, horumar, horusocod, nabad, nolol, Barwaaqo iyo badhaadhe.Dad wanaagsan ayaa dawlad iyo dal wanaagsan dhista oo dunnida la tartama.W/Q Ahmed BashirAddress: Kampala, UgandaEdu: BA in DS, MA in SWContact: ahmedbashiir66@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -