Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa maanta dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Muqdisho dabley hubeysan oo ka koobneyd labo nin.

Falkan ayaa ka dhacay meel ku dhow xaafada Xoosh ee degmada Dharkeynley ka dib markiiĀ  uu halkaas iska horimaad ku dhexmaray ciidamada xasilinta iyo dableyda hubeysan oo markii hore diiday amar la siiyey oo ahaa iney dhigaan qoryo ay ku hubeysnaayeen.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka lagu dilay mid ka mid ah dableyda halka mid kalena la dhaawacay, waxaa sidoo kale ku dhintay halkaas qof shacab ah oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey, halka askari ka tirsan ciidamada amaanka uu soo gaaray dhaawac.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dableyda dilka iyo dhaawaca loo geystay ay ahaayeen rag burcad ah oo maalmahanba dhac joogto ah ka waday xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley.

Ciidamada amaanka iyo maamulka Dharkeynley ayaanan illaa hadda ka hadlin falkan ka dhacay degmadaas oo ku soo beegmaya xili ciidamada dowladu ay caasimada ka wadaan howlgalo lagu xoojinayo amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo weerar culus ku qaaday Tel Aviv iyo Israa’iil oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xaaladda PUNTLAND Iyo SOMALILAND oo meel Xun gaartay & Safarka Ra’iisul wasaare Khayre ee Baydhabo !!

admin

Imaaraadka Carabta oo taageero iyo garab istaag u muujisay dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---