Allbanaadir.com
NEWS

Al-shabaab oo filimkii ugu horeeyey ka sameysay dilalka qorsheysan ee ay fuliso (Daawo Sawirro)

Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay filim ay ku soo bandhigeyso dilalka qorsheysan  iyo qaraxyada ay ciidamadooda ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

Waxaa Filimkan lagu soo gudbinayaa dhinac ka mid ah howlgallada Guutada dilalka u qaabilsan Al-Shabaab ee loo bixiyey Maxamed Bin Maslama ee beegsada saraakiisha iyo madaxda dowladda Federaalka.

Dhoolatus iyo tababarro ay sameynayaan ciidamada Amniyaatka al-shabaab ayaa ka mid ah waxyaabaha filimkan ka soo muuqanaya.

Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa qarax xooggan oo bishii Maarso ee sanadkan lagu dilay xildhibaanno ka tirsan maamulada Hiirshabelle iyo Koonfur galbeed kaasoo ka dhacay Sh/hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Hyderabad & Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan kashifay sababta DF u bixin weyday Mushaharka ciidamada bishii January

Caydiid Ali
Taboola Ads ---