Turkiga oo ogolaaday in Dalalka Sweden iyo Finland ku biiraan Gaashaanbuurta NATO

Dowladda Turkiga ayaa wax ka bedeshay go’aankii ay ku diidaneen in dowladaha Sweden iyo Finland in ay xubin ka noqdaan Ururka Gaashaanbuurta NATO, waxaana xal laga gaaray khilaafka Turkiga kala dhaxeeyay Sweden iyo Finland.

Turkiga ayaa horey u diidanaa in labadan dal ee Yurub katirsan ku biiraan NATO, hasa ahaatee dowladda Turkiga ayaa xalay ogolaatay in Sweden iyo Finland kusoo biiraan xubina ka noqdaan ururka NATO.

Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain waxaa xalay heshiis ku kala saxiixday Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Turkiga, Sweden iyo Finland , waxa ayna heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa in dalalka Sweden iyo Finland NATO ku biiraan.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden ay aqbashay inay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkiisa ku aaddan dagaal-yahanada mayalka adag ee Kurdiyiinta.

Dowladaha Finland iyo Sweden ayaa meesha ka saaray tallaabadii ay horey Turkiga ugu diidanaayeen inay hubka kaga iibiyaan, waxa ay sidoo kale Sweden wax ka badeleysaa siyaasadeeda ku aadan Kurdiyiinta Turkiga u aqoonsan yahay argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -