Qaraxyo lagu dhamaaday oo ka dhacay dalka Equatorial Guinea (Daawo Sawirro)

Qaraxyo is xigxigay ayaa ka dhacay dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Equatorial Guinea, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan shan iyo toban qof isla markaana ay ku dhaawacmeen shan boqol oo kale.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq aad u weyn oo magaalada sidii daruurta oo kale uga dul muuqanaya.

TV-ga dowladda ayaa baahiyay dad raadinaya dad ka badbaaday qaraxyada, iyagoo ka baarayay dhismooyinka burburay.

Qaraxyadaan ayaa loo maleynayaa inuu sababay shil ka dhacay saldhig boolis, welina faahfaahin kale lama hayo.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku codsatay shaqaale caafimaad oo mutadawiciin ah inay tagaan Isbitaalka gobolka Bata. Waxay kaloo codsatay in dhiig lagu deeqo.

Waxaa jira ilaa sedax xaruumo caafimaad oo kale oo dadka dhaawacyadoodu aadka u daran yihiin la geeyay, waxaana ka taagan dalkaas xaalad jahwareer ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -