Madaxweyne hore Axmed Cabdullaahi oo loo qal qaalinayo Xabsi daa’in in lagu xukumo

Madaxweynihii hore ee dalka Comoros , Axmed Cabdullaahi Sambi ayaa halis ugu jira in lagu xukumo xabsi daa’in , kaddib markii lagu soo oogay dacwado dhoor ah oo sababi kara in xukun adag oo xabsi ah lagu rido.

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros, ayaa ka codsaday maxkamadda sare ee dalkaasi in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi, Axmed Cabdullaahi Sambi oo dambiyo wa aweyn loo heesto.

Madaxweyne hore Axmed Sambi ayaa xabsi ku xirnaa  tan iyo 2018-kii, isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dhoor ah ay ugu weeneyd musuqmaasuq, waxaa sidoo kale loo heestaa in baasaboorka dalkaasi ka iibiyay dad ajaaniib ah oon la aqoon.

Axmed Sambi, oo 64 jir ah ayaa madaxweyne ka ahaa dalka Comoros intii u dhaxaysay 2006-dii iyo 2011-kii, waxaana la qorsheeyay in madaxweynaha xukun maxkamadda ku rido 28-ka bishan Agoosto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -