Xiliga dib loo bilaabayo kulamadii caadiga ahaa ee golaha shacabka oo la shaaciyey

Kulankii Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Federaalka oo Galabta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa soo idlaaday, iyadoo aan go’aan laga gaarin arrintii muranka ka dhashay kala dirista Guddiya Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka qeyb guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka, waxaana la isku afgartay in dib loo bilaabo shirarkii Baarlamaanka iyadoo berri uu furmi doono kulanka Baarlamaanka oo muddo u xayirnaa khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Baarlamaanka.

Waxaa kulanka Berri oo Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wargeliyay la sheegay in looga hadli doono Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca dheelitarka siyaasiyiinta oo ah sharci siyaasiyiinta aan xilka heynin lagu doonayo inay ku helaan xuquuq joogto ah.

Kulanka Guddiyada Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhex muuqday Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad

Arrinta Guddiga Maaliyadda ayaa la sheegay inuu guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu guddiga joogtada ah u sheegay in Baarlamanka uu hor keeni doono qorshe sharciga lagu waafajinayo arrintaasi xalna u raadinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -