Puntland oo faahfaahin ka bixisay weerarkii ka dhacay Boosaaso & Al-Shabaab oo..

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan weerar qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab  habeenkii xalay ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso.

Weerarka ayaa lagu bilaabey qaraxyo ka dhacay daafaha iyo halka lagu baaro dadka ee Xabsigu lahaa, iyadoo kooxda weerarka geysatey ay difaac ka xiratey dhamaan jidadka looga soo gurman karo xabsiga ee ay soo marayaan ciidamada amniga ee Puntland, kahor inta aysan weerarka bilaabin.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in kooxdan ay u suurta gashey inay gudaha u galaan xabsiga isla markaana sii daayaan maxaabiis badan oo ku xirneyd, iyaga oo wata magacyada dadka ay doonayeen inay la baxaan korna ugu dhawaaqaya si ay u kaxaystaan

Taliyaha Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkan xalay dableyda hubaysan ku qaaday xabsiga magaalada Boosaaso.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, isla markaana ay carareen markii la fashiliyey weerarka ay soo qaadeen.

Waxaa uu sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaasoo qaarkood dib loo soo qabtay sida uu yiri qaar kalena lagu raad joogo.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xabsiga ayuu sheegay in weerarkaas uu ku naf waayey halka labo kalena ay ku dhaawacmeen

Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso sida lagu qoray warbaahinta taageerta kooxdaas

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -