Mucaaradka oo soo bandhigay afar qodob oo ay hor dhigeen Raisul Wasaare Rooble

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ahna xubin ka tirsan Golaha musharaxiinta Sooomaaliyeed C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa soo bandhigay qodobada looga hadlay kulankii ay xalay la qaateen RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo fashil ku dhamaaday

Qodobada uu C/raxmaan C/Shakuur sheegay iney hor dhigeen RW Rooble ee sababay in shirkaas lagu kala tago ayaa ka koobna afar qodob oo kala ah:-

1-In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo isna kulanka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka uu u fashilmay arin uusan go’aankeeda lahayn.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -