Taliyaal iyo Askar loo xiray dilkii Gudoomiyaha Degmada Hodan iyo Baaritaano bilowday

Ciidamada booliiska gaar ahaan qeybta dambi baarista CID-da ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilkii xalay Isgooska Jid Mareexaan ee degmada Hodan loogu geestay Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Gudoomiyaha ayaa gaari uu la socday waxaa rasaas xoogan ku furay ciidamo katirsan booliiska oo ku sugnaa Isgooska Jid Mareexaan, waxaana rasaastaasi u dhintay gudoomiyaha degmada Hodan halka qaar kamid ah ilaaladiisa ku dhaawacmeen.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in la xiray Taliyeyaasha Saldhiga Booliska Degmooyinka Howlwadaag iyo Waaberi, waxaa sidoo kale la xiray inta badan ciidamadii booliiska ee ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Taliyaasha la xiray ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in xiliga dilku dhacayay ku sugnaayeen goobtaasi, walina si dhab ah looma oga sida uu ku yimid dilka xalay xili dambe loo geestay gudoomiyaha degmada Hodan.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali war cad kasoo saarin dilka loo geestay Gudoomiyaha Hodan, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaana qoraal uu soo saaray ku sheegay in Gudoomiyaha ku dhintay iska horimaad ka dhacay Isgooska Jid Mareexaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -