Facebook oo dadka Isticmaala waydiisanaysa in Sawirro qaawan usoo diraan iyo Sababta ka Dambeysa

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, si ay isugu daydo in ay ka hortagto dadka aargoosi ahaan u shaaciya sawirro qaawan.

Sawirradan qaawanida ah ee dadka Britain la waydiisanayo waxay shirkaddu uga golleedahay in ay uga hortagto dadka aargoosi ahaanta u soo bandhiga sawirrada qaawanida ah.

Tiknoolajiyaddaas ayaana ka hortagaysa sawirrada qaawanida ah ka hor inta aysan onlineka ka soo muuqanin.

Tiknoolajid noocaas ah ayaana hadda ka hor loo adeegsaday si loo joojiyo sawirrada carruurta la dhibaateeyo.

Faceboob ayaa arrintaas tijaabo ahaan uga wadda Australia haddana tijaabooyin ka billawday UK, Maraykanka iyo Canada.

Afhayeenka shirkadda ayaa BBC u sheegay in arrintaas ay u furan tahay dadka UK.

Shirkadda Facebook faahfaahin kama aysan bixinin wixii ka soo baxay tijaabadii ay ka wadday Australia, laakiin fikirkan ayaa u muuqda in uu u baahan yahay kolsooni baaxad leh.

Mise heli kartaa hubaanti ah in sawirkaas si taxadarleh loo dhawri doono, iyo arrinta muhiimka ah ee ah in aan cid kale lala wadaagin?

Siday u shaqayso arrintan

Haddii uu jiro sawir aad ka walbahaarsan tahay, Facebook wuxuu ku leeyahay waa in aad la xiriirtaa dadka arrintaas kala shaqaynaya.

Shaqaalaha ayaa markaas Facebook la xiriiri waxaana laguu soo diri meel aad ku lifaaqdo sawirkaaga.

Yaa arki sawirka aad qaawantahay?

Antigone Davis oo ah madaxa dhanka ammaanka ee shirkadda ayaa BBC u sheegtay in sawirka ay arki doonaan dad kooban oo kali ah, kuwaas oo ah shan ruux oo la tababaray.

Dadkaas ayaa sawirka u samayn doona aqoonsi dhanka dhigitaalka ah oo afka qalaad lagu yirahdo hashing.

Aqoonsigii gaarka ahaa ayaa markaas la kaydin. Markaas ka dib haddii qof kale uu isku dayo in uu sawirkaas dadka la wadaago waa la aqoonsan wuuna xanibmi inta uusan ku daabacmin Facebook, Instagram iyo Messenger.

Sawirkii rasmiga ahaa ee qofku Facebook la wadaagayna lama kaydin doono.

Fikrkan in uu shaqeeyo Malaga yaabaa?

Antigone Davis ayaa qirtay “in aysan 100% shaqaynin tiknoolajidda lagu garto sawirrada is leh”.

Sababtu waxay tahay macquulnimada in sawirka laga qaalib noqon karo sidaas daraadeedna ay ka duwanaan karaan kuwii hore. Balse waxay sheegtay in ay sii hormarinayaan.

Arrintan ayaa si wanaagsan u shaqaynaysa marka aad hayso sawirka aad ka walbahaarsan tahay in cid kale ay si xun u isticmaasho.

Tusaale ahaan haddii lamaanahaagii hore uu sawirro badan kaa qaaday isla markaasna aadan waxba ka haynin fikraddan kuma anfacayso.

Sannadkii 2015 shan boqol oo ruux ayaa dawladda UK uga cawday sawirrada sida xun loo adeegsado, sannadkii 2017kii in kabadan kun ruux ayaa soo dacwooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -