Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Heshiis shalay Muqdisho lagu gaaray

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiis mar kale shalay hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

”Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku boorisay madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in la qabto shir madaxeedkii la qorsheeyay ee heshiiskii 17kii Sebtember.

”Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -