Dowlada oo War kasoo saartay sida loo fuliyo Weerarada lala beegsado Al Shabaab

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sida loo fuliyo weerarada dhinaca cirka ah ay dowlada Mareykanka ka geesato deegaanada Al Shabaab maamusho.

Dowlada warkan ay soo saartay ayaa u muuqda mid looga jawaabay eedeyn loo jeedoiyya dowlada Mareykanka oo ku aadan in duqeymo ay ka geesatay gudaha Soomaaliya ku dishay shacab aan waxbo galabsan.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka dowlada kasoo baxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa ka wadashaqeynaayey si ay cadaadiska argagaxisada Alshabaab uga qaadaan dalka Soomaaliya.

Wadashaqeyntaa ayaa waxaa ka mid ah taageerada hawlgallada dhulka iyo kuwa cirka ah ee ay wadaan Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM . Sahanka wax lagu ogaado iyo sawaariikhda ee ay diyaaradahan gutaan ayaa aad muhiim ugu ah hoos u dhigidda awoodda Alshabaab oo ay ku beegsan karaan ciidanka meletariga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah dadaal ugu bixinaya yareynta waxyeelada suuragalka ah ee ka iman karta duqeymaha la wado.

Iyada oo ay ugu wacantahay qaddarinta iyo ahmiyadda ay Dowladaha Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya siinayaan Sharciga hubka ee waqrtiga dagaalka ayay Alshabaab ku xiisaabtamaan in Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya aad u dhawrayaan nolosha bani’aadamka taasoo keentay in ay ku dhex-dhuuntaan meelaha shacabka ku badanyahay iyaga oo dadka shacabka u isticmaalaya gaashaan ay uga badbaadaan weerarrada.
Marka duqeyn la summeynayo waxa la qaadaa tallaabooyin muhim ah oo si aad ah loogu yareynayo waxyeelo iyo dhaawac soogaara shacabka halkaa ku dhaqan. War kasta oo sheegaya in shacab wax gaareen si dhab ah ayaa loo baarayaa.

Marka macluumaad cusub oo ku saabsan duqeynta soo yeerto, dib u eegid ayaa lagu sammeeyaa markale. Shuruucdaa ad-adag ee lagu ilaalinayo nolosha shacabka ayaa aad ugu duwan falalka gurracan ee Alshabaab kula kacaan dadka rayidka si ay u abuuraan jawi baqdin leh. Had iyo jeeraalle duulimaadyadaa lagu dul haadayo dhulkaa ayaa waxa laga helaa macluumaad iyo taageero lagama maarmaan u ah dadka Soomaaliyeed oo looga hortagayo waxyeelada ba’an ee baaba’a leh oee ay Alshabaab soo maleegayaan; Si marka ciidanka Xoogga Dalka, Danab iyo xoogagga AMISOM dusha looga ilaaliyo. Nolosha dadka rayidka ah looga badbaadiyo walxaha qarxa, iyada oo nolol maalmeedkooda looga dhigo mid amaan ah, oo kolkaa hogaamiyeyaasha Alshabaab looga hori karo goobta dagaalka.
Tusaale, markii Alshabaab isku dayeen in ay xero-taraaraan xerada Meleteri ee Ballidoogle haddii aysan jirin taageero dhinaca hawada ah Alshabaab waxa ay geysan kareen dilka nolosha ciidanbadan oo Soomaaliyeed iyo shacab ba.

Tusaale kale ayaa ah sababta ay hawlgalka taageerada cirka u tahay lagama maarmaan markii la xoreynayey Magaalada Jannaale ayaa taageerada Ciidanka Mareykana loo isticmaaley in hawada ka taageeraan ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM intii uu socday hawlgalka. Taageeradan ayaa si aad ah u dhintay awoodda Alshabaab ay ku dagaalami kareen islamarkaana hoos u dhigtay waxyeellada soo gaari kartay ciidamada saaxiibada intii uu socday duulaanka.

Waajibka koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka saran shacabkeeda ayaa ah in ay dhawrto nolosha, hantida iyo xorriyadda dadkeeda. Si taa loo meelmariyo ayay Dowladda Soomaaliya ku qasbantahay in ay sii waddo la dagaalanka kooxda argagaxisada ee xiriirka la leh Alqaacida ilaa laga dabarjaro. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ba waa in ay gacmaha isqabsadaan si loo wajaho kooxdan Kansarka ah.

Sanadihii tagay ayaan kusoo caano-maalnay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah maxaa yeelay Alshabaab ayaa sii wiiqmaya. Garab istaagga saaxiibadeena caalamiga ah darteed ayay Soomaaliya markale noqon doontaa dhulkii barwaaqada iyo nabadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -