Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wiil 14-sano jir ah oo Telfoon dartiis loogu dilay magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle waxaa xalay ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii askari katirsan ciidanka dowladda halkaasi ku dilay wiil yar oo 14-sano jir ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in nin ku hubeesnaa dareeska ciidanka dowladda dil u geestay Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow oo ahaa 14-sano jir, wiilkan ayaana la dilay kaddib markii uu isku dhejiyay telfoon askariga ka dhacayay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo kan maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan askariga dilka u geestay wiilka da’da yaraa.

Shacabka magaalada Jowhar ayaana aad uga naxady dilkan argagaxa leh ee telfoon dartiis loogu geestay Cabdiraxmaan Sheekh oo kamid ahaa ardayda waxkabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Yw97xnXCFHA

Related posts

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dambiyo culus ka geystay dalka Ukraine

Caydiid Ali

Ramla Cali oo looga adkaaday tartanka feerka ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo

Caydiid Ali

Wiil Reer Muqdisho ah oo Tahriib ku galay Talyaaniga oo Doorasho ku Guuleystay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---