Musharaxiinta oo Shaaciyay in Farmaajo caqabad ku noqonayo Wadahadaladii socday

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay shir uu iclaamiyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo .

Musharaxiinta ayaa nasiib-darro ku tilmaamay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna sheegeen in shirkaasi yahay mid  lagu xagal- daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga midowga Musharaxiinta.

Waxa ay ugu baaqeen musharaxiinta Ra’isul Wasaaraha, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka in aysan qeyb ka noqon talaabooyin ay sheegeen in Farmaajo ku carqaladeenayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.

Halkan ka Akhriso Warka ay soo saareen Musharaxiinta

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu qayb ka ahaa wadahadal u dhexeeya Raysalwasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal loogu raadinayey dhacdadii 19

Febraayo iyo is-marin-waaga doorashooyinka heer Federaal. Wadahadalka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wadahadallada oo laga gaaray isfaham horu-dhac ah ayaa dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, taasoo abuurtay rajo billow ah oo lagu dhammeyn karo is-marin-waaga taagan.

Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay  04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka, maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka.

Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal- daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.

Haddaba Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo.

Dhinaca kale, Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah

06/03/21 ka dhacaya Daljirka Dahsoon. Wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -