Mareykanka oo ku baaqay in lakala diro Ciidamo gaar ah oo ka amar Qaata Maxamed Bin Salman

Dowlada Mareykanka ayaa wali wada cadaadiska ay ku heyso Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan Amiir Maxamed Bin Salman oo dhawaan la sheegay in uu amray dilkii loo geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Boqortooyada Sacuudiga waxaa ka howlgala ciidamo si gaar ah u tababaran oo la sheegay in ay ka amar qaataan Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ciidamadan ayaana fuliya howlgalo isugu jira khaarijin iyo xarig.

Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday in meesha laga saaro lana kala diro ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka amar qaata Maxamed Bin Salman kuwaa oo loo heesto in qeyb weyn ku lahaayeen dilkii Wariye Jamal Khashoggi.

Afahayeen u hadlay wasaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in Sucuudiga uu kala diro ciidamada sida gaarka ah uga amar qaata Maxamed Bin Salmaan isla markaana la joojiyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka.

Waxa uu sheegay afhayeenkan in ciidamadan fuliyeen howlgalo badan oo ka dhan ah mucaaradka , waxa uuna tilmaamay in cunaqabateyn lagu soo rogay kalkaaliyaasha dhaxal sugaha iyo ciidamadiisa gaarka ah.

Baaqan kasoo yeeray dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili Dhaxal Sugaha Boqortooyada  Sacuudiga Maxamed Bin Salman la shaaciyay in uu bixiyay amarkii lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa hab maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -