Abuubakar: Waxaan raadinayaa amni, si aan uga baxo xaaladda KMG ah ee nolosha”

Maxamed Abuubakar waxaa uu ku barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Markii uu dhiganayay iskuulka ayuu bilaabay inuu ciyaaro kubada cagta, isagoona markii dambe ku biiray mid ka mid ah kooxaha horyaalka Qaranka. Kaddib waa la xiray, waxaana lagu eedeeyay inuu xubin ka yahay kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Qoyskiisa ayaa ku guuleystey inay ka soo saaraan xabsiga, wuxuuna intaasi kaddib go’aansaday inuu ka tago Soomaaliya, maxaa yeelay mar dambe kuma amaan-gelayo magaalada.

“Waxaan imid Khartuum. Waxaan qorsheeyay inaan maro Liibiya, maxaa yeelay way igu adkeeyd in aan helo Viso si aan u tago dalka Masar. Waxaan ka codsaday waalidkay inay bixiyaan lacagta lagu maro wadada Liibiya. Laakiin taas ma aysan aqbalin, sababtoo ah waxay doorbideen marinka Masar. Wiil aan saaxibbo nahay oo aan deris aheyn oo ku safray wadada Liibiya ayaa igu yiri jirdil daran ayaa ka jira halkaasi.”

Markaasi Maxamed waxaa uu go’aansaday inuu aado Masar isagoona ujeedkiisu ahaa inuu halkaas uga sii gudbo Yurub. Wuxuu ahaa safar dhib badan. Ka hor intaysan bixin, mukhalasiinta ayaa ku xiray guri, mana helin cunno badan. Wadada, waxaa ku rasaaseeyay askarta, mid ka mid ah gawaarida kolonyada ayaa rogmaday laakiin gaarigii uu saarnaa Maxamed xawaare sare ayuu ku socday. Hal qof ayaa ka dhacay gaarigii xamuulka, laakiin darawalku ma istaagin. Hal gabar ayaa dhimatay oo waxaa lagu aasay god dhulka hoostiisa ah. Maxamed aad ayuu uga naxay.

“Waxaa lagu aasay meel god ah oo bacaad ah, kaddibna waan baxnay. Waan naxay maxaa yeelay waa markii iigu horreysay ee aan arko qof dhinta. Runtii waa wax lala yaabo markaad aragto qof dhimanaya markii kuugu horreysay. ”

Maxamed hadda shan sano ayuu joogay Masar wuxuuna qabaa inuu naftiisa uun ku luminayo. Sagaal jeer ayuu isku dayay in uu raaco doomaha mukhalasiinta si uu u gaaro dalka Talyaaniga, laakiin mar kasta waxaa istaajinayay ciidanka ilaalada Xeebaha. Maxamed waxaa uu ereyo qadhaadh u hayaa mukhalasiinta, kuwaas oo kaliya ka fikira faa’iidadood oo aan dan ka lahayn nolosha dadka.

“Markii aan kasoo tegayay guriga waxaan ku fakarayay in si fudud lagu tago Yurub, laakiin sidaasi ma ahan. Waxaan u maleynayaa mukhalasiinta waa calooshood u shaqeystayaal. Ma daneeyaan nolosha qofka ama mustaqbalkiisa. Taasi waa ra’yiga aan ka qabo mukhalasiinta. Waa dad aad u xun maxaa yeelay shaqadooda waa in ay khatar geliyaan nolosha dadka.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -