Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shuruudo adag ku xiray Imaanshaha Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir mar kale looga hadlayo khilaafka ka taagan arimaha doorashada dalka, kaa oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan uu iclaamiyay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa dib uga dhacay xiligii la qorsheeyay in uu furmo, waxaana wali cabsi xoogan laga qabaa in shirkaasi dib usii dhaco kadib xaalado siyaasadeed iyo mid amni oo Muqdisho kasoo kordhay.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland shuruudo ku xireen imaanshaha magaalada Muqdisho iyo in ay ka qeyb galaan shirkan uu iclaamiyay Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay in aysan ku kalsooneen tagida magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya sababo amaan dartood, waxa ayna codsadeen in shirka lagu qabto xarunta Xalane.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa sidoo kale shuruud uga adhigay ka qeyb galka shirka Muqdisho in wakiilo katirsan Beesha Caalamka goobjoog ka noqdaan shirka si ay u helaan damaanad qaad buuxa.

Waxaa socda dadaalo lagu xalinayo shuruudahan ay soo bandhigeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, lamana oga in go’aankooda bedeli doonaan Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland oo isbaheysi leh kana soo horjeeda Qorshaha Farmaajo.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa hada ku sugan Muqdisho, waxaa sidoo kale maanta la filayaa in Muqdisho yimaado Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, lamana oga xiliga uu shirkan uu iclaamiyay Farmaajo uu furmi doono.

Rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan weerarkii lagu qaaday musharaxiinta qaar ayaana laga yaabaa in saameyn ku yeesho shirkan uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -