Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo lagu dilay degaan ka tirsan Sh/dhexe

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyey degaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Howlgalka ayay ciidamadu sheegeen inay ku dileen Gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Cali Fooldheere iyo ilaaladiisa.

Taliyaha Ururka 65-aad eek a tirsan Qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Kabtan Cali Yuusuf Macallin ayaa sheegay in nin lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar oo Al-Shabaab u qaabilsanaa degaankaas iyo dagaalyahano kale ay ku dileen howlgalka.

Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si geesinimo leh u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhig ay degaankaas ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalyaahano kale, isagoo dhaawacay qaar kale.

Ma jiraan warar madax banana oo sheegaya dilka gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka Cali fooldheere iyo ilaaladiisa, hase ahaatee ciidamada dowlada ayaa xoojiyey howlgalada ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Sh/dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -