Tirada Weerarada Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya Xiligii maamulka Trump oo la shaaciyay

Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush.

Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey.

Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times.

Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood.

Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi.

Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah.

Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay.

Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020.

Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya.

Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda.

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -