Wiil 14-sano jir ah oo loo xiray dil loo geestay Wariye Maxamed Xasan

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay wiil 14-sano jir ah oo loo heesto in uu ku lug lahaa dil xaafad katirsan magaalada Nairobi loogu geestay wariye lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ka howl galayay Pamoja FM.

Wiilkan ciidamada amaanka Kenya qabteen nayaa laga dhex arkay muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, ciidamada ayaana dabagal kadib gacanta kusoo dhigay wiilkan dilka Wariyaha lagu tuhmayo.

Booliiska ayaa sheegay in afar ruux ay jidka u galeen wariyaha kadibna mindi dhabarka uga dureen, waxaana isla goobta ku geeriyooday wariyaha oo xiliga la dilayay kasoo baxay barnaamij uu kasoo qabtay idaacadii uu ka shaqeenayay.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale xiray wiil 19 sano jir ah oo isna lala xiriiriyay dilka wariyaha  dib markii isna laga dhex aqoonsaday muuqaalka ay duubtay kaamerada amniga ee qarsoon.

Wariyaha la dilay ayaa ka shaqeenayay idaacad arimaha bulshada ka shaqeysa oo kutaala xaafadaha isku raranka Kibera ee kutaala magaalada Nairobi, waxaana aaga xaafadasai ku badan burcad dadka dhibaato u geesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -