Magaalada Adis Ababa oo lagu qabtay Hub kala duwan iyo ragii watay (Sawirro)

Ciidamada booliiska federaalka Itoobiya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Adis Ababa waxa ay ku qabteen hub nuucyo kala duwan ah oo magaalada lasoo galinayay iyo ragii watay hubkaasi.

Hubkan ay booliiska qabteen ayaa laga keenay magaalada Gondar ee ismaamulka Deegaanka Axmaarada, waxaana hubkan gaarigii lagu soo qariyay gacanta ku dhigay ciidamo katirsan booliiska federaalka oo gaariga ka shakiyay.

War kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM),  laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha.

Booliiska ayaana sheegay in hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad ee magaalada Adis Ababa, waxa ay sidoo kale booliiska qabteen labo nin oo hubkaasi magaalada soo galiyay.

Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ayaa marar badan gacanta ku dhigay hub nuucyo kala duwan ah oo lasoo galinayay magaalada Adis Ababa, lamana oga hubkan cida iska leh iyo ujeedka la doonayay in loo adeegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -