IGAD oo xil culus u magacowday Madaxweynihii hore ee Mamulka Hirshabelle

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan

“Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirka.

Waare ayaa haatan ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Somalia ee dalka Jabuuti kaga qeyb galaya kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

- Advertisement -