Dagaalyahano Al Shabaab Dagaal looga qabtay oo lasoo bandhigayo

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna tilmaamay in dagaalkaasi Al Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay.

Maxamed Mukhtaar ayaa Warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in 9-ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay, waxa uu sidoo kale xusay in xubno kale oo katirsan Al Shabaab la qabtay iyaga oo dhaawac ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka Amniga Qansax Dheere in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay sii baacsadeen dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa uuna xusay in dagaalkaasi khasaaro xoogan Shabaab uu kasoo gaaray.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere ayaa balan qaaday in ay soo bandhigayaan jabka Al Shbaaab ku gaarsiiyeen weerarka ay kusoo qaadeen gaar ahaan dagaalyahanada nolosha lagu qabtay.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan in dagaalyahano badan looga dilay kuwa kalana looga qabtay weerar ay ku qaadeen degmada Qansax Dheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -