(Sawirro) Laftagareen oo xariga ka jaray dib u dhis lagu sameeyey garoonka Ciyaaraha Dr. Ayuub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo oo dib u habeyn lagu sameeyey.

Dhismaha garoonkan oo ay ku baxday boqolaal kun oo dollar ayaa ah mid si aad ah loo qurxiyey, waxaana la dhigay rooga cagaaran ee garoomada loogu talo galay iyadoo qeybta VIP-da lagu xiray kuraas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa goobtaas ka sheegay in maamulkiisa uu muhimad gaar ah siinayo xoojinta isboortiga iyo sidii dhalinyarada ay heli lahaayeen garoomo ay ku cayaaraan.

Laftagareen ayaa sheegay inkastoo maamulkiisa uu dagaal kula jiro Al-Shabaab haddana aysan taasi ka mashquulinin inuu wax badan ka qabto adeegyada bulshada gaar ahaan dhismaha jidadka goobaha Caafimaadka, iskuulada, Garoomada Ciyaaraha iwm.

Laftagareen oo sameysatay muddo kororsi ay diidan tahay DF ayaa wada olole ismuujin ah oo uu kasbanayo taageerada shacabka Koonfur galbeed si uu dowlada federaalka cadaadis ugu saaro iney ka leexato muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -