Allbanaadir.com
NEWS

Qorshaha Istaraatiijiyada Wasaaradda Amniga oo la daah-furay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.

Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo hey’addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, hey’addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.

Related posts

Farmaajo oo hal ujeedo kaleh shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Askar Mareykan ah oo lagu dilay Qarax iyo Masuuliyada weerarkaasi oo la sheegtay

Cabdi Cade

Qatar oo ku guuleysatay marti gelinta tartan ciyaareed kale oo caalami ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---