DEG DEG: Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeiyooday Muqdisho

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsanaa Culimaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Geerida Shiikha ayaa waxaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan DF iyo heyadda Cuimada Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Shiikh Nuur Baaruud oo ku jiray isbitaalka Martiini uu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo maalmo ka hor soo ritay.

Marxuum Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka mid ahaa culimada sida weyn u diidan afkaaraha diimeed ee kooxda Al-Shabaab, dhinaca kalena sida weyn u difaaca DF.

Cudurka Coronavirus oo ku soo laba kacleeyey Somalia ayaa horey u dilay dad bulshada dhexdeeda qiimo weyn ku lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -