Ciidamada Maraykanka oo qabtay hub qarsoodi loo soo gelineyay Somalia (Sawirro)

Ciidamada Maraykanka ee la socda Markabka USS Winston S. Churchill ee xambaara gantaalaha wax burburiya (DDG-81) ayaa sheegay in iyagoo raacaya xeerka caalamiga ah ay qabteen hub fara badan oo loo tahriibinayey Somalia.

Markabkan oo ka mid ah raxanta 5-aad ayaa ku jirey roondo joogto ah oo uu ku hubinayo amaanka xeebaha aan cidina ilaalin ee Somalia sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

Doonida la qabtay ayaa siddey hub noocyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin qoryaha boobaha ee Soomaalidu u taqaan Dabajeexa ama PKM iyo gantaal tuuraha RBG 7, sidoo kale waxaa ka mid ahaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK-47 iyo saanad kale.

Ciidamada Maraykanka ayaa markii ay kala wareegeen hubkii ay siday sii daayey doonta iyo shaqaalaha la socday, iyagoo siiyey biyo, lamana oga illaa hadda sababta au u fasaxeen.

Hubkan oo jawaanno lagu soo qariyey ayaan la sheegin illaa dalka laga keenay iyo cida rasmi ahaan loo waday, ciidamada maraykanka ayaana marar badan oo hore qabtay hub loo soo waday Somalia.

Markabka Winston S. Churchill wuxuu ka ambabaxay Norfolk, Virginia, 10kii Agoosto  si  loo ilaaliyo amniga badaha loona hubiyo xorriyadda marinka marinnada biyo mareenka ee muhiimka ah ee Somalia,

Maraakiibta Mareykanka raxanta 5aad, oo xarunteedu tahay magaalada dekeda ah ee Manama ee dalka Bahrain, waxay qabataa hawlgallo wadajir iyo mid badeed si loo taageero xulafada gobolka iyo la-hawlgalayaasha iyo danaha amniga qaranka Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -