Jilaa Caan ah oo sabab u noqday in Duuliye Diyaaradeed shaqadiisa waayo !!(Sawirro)

Duuliye diyaaradeed oo u dhashay dalka Masar ayaa shaqada laga ceyriyay sidoo kale laga mamnuucay in noloshiisa uu wado diyaarad , kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal laga soo duubay diyaarada uu waday.

Jilaaga caanka ah sidoo kale fanaanka ah Maxamed Ramadaan ayaa sabab u noqday in duuliyahan shaqada laga ceyriyo, kadib markii duuliyaha oo waday diyaarad kusii jeeday Sacuudiga uu fanaanka u fasaxay in uu soo galo qeybta duuliyaasha.

Maxamed Ramadaan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal laga duubay iaga oo gacanta ku haya mashiinka diyaarada laga wado iskana dhigaya duuliye, waxaana muuqaalka laga maaqlayay qof leh fanaanka isaga ayaa hada wada diyaarada.

Wasaaradda duulista hawada ee dalka Masar ayaa bayaan ee soo saartay ku shaacisay in shaqada laga ceyriyay duuliyaha waday diyaaradaha uu la socday fanaanka, waxaa sidoo kale duuliyaha lagala noqday shaktiga wadista diyaaradaha.

“Kadib markii aan xaqiijinnay xadgudub ka dhan ah shuruucda duulista hawada ee Masar, waxaan tallaabo aan shatiga ugala noqonnay ka qaadnay ,duuliyaha qeyrul-mas’uulka ah ee howshiisa gabay” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.

Waxaa sidoo kale mudo sanad ah shaqada laga joojiyay kaaliyihii la socday duuliyaha shaqada duuliyanimo laga mamnuucay, waxaana dhacdadan ay noqotay mid hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalka Masar gaar ahaan baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -