Trump oo mar kale lagu dhegan yahay iyo Guddi cusub oo baaritaan oo la sameenayo

Afhayeenka aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay hirgelin doonta guddi ka madaxbanana gollahaas oo baaritaan ku sameyn doonaa weerarkii horraantii bishii Janaayo ee sanadkan lagu qaaday aqalka Capitol, weerarkaas oo ay qaadeen taageerayaasha madaxweyne Trump.

Warqad ay u qortay xildhibaanada aqalkaas ayay Pelosi ku sheegtay in guddigaas uu u shaqeyn doona oo uu baaritaanka u sameyn doona si lamid ah sidii weerarkii labaatan sano kahor lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga ee dalka Mareykanka.

“Waa khasab in la ogaadaa xaqiiqda ah wixii dhacay”, ayay tiri Pelosi.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo lasoo golle-joojiyay aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu waayay dembi ah in uu ka dambeeyay weerarkii gacan ka hadalka ahaa ee lagu qaaday aqalka Kongreska, haseyeehsee qaar kamid ah xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga ayaa taageeray in guddi madax-banaan uu baaritaan ku sameeyo weerarkii dhacay ee ay ku dhinteen dad gaaraya 5 qof.

Guddiga ayay sheegtay “in uu baaritaan ku sameyn doona weerarkii dhacay, faragelinta uu Trump ku sameeyay in si nabad uu xilka ku wareejiyo iyo sidii ay booliska aqalka Capitol iyo lamaaha amniga ay ugu diyaarsanaayeen weerarka, wixii kasoo baxa baaritaankana ay kusoo wargelin doona aqalka”.

Waxaa kale oo ay sheegtay in ayadoo laga duulayo baaristii horudhaca ahayd ee Jeneraal Gen Honoré uu Kongreska u baahan yahay in dhaqaale dheeraad ah, si loo xaqiijiyo amniga gollaha iyo xubnaha.

Madaxweyne Trump ayaa markii labaad taariikhda Mareykanka ka badbaaday dacwad gallaafan lahayd mustaqbalkiisa siyaasadeed kadib markii la waayay tiradii loo baahnaa si dacwadda lagu soo oogay ay ansax u noqoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -