Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Britain oo wadahadal la furtay Taalibaan iyo Hal arrin oo Sabab u noqotay

Dowladda Britain ayaa shaacisay in wada xaajood la furtay maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afganistan, kaddib markii kooxdaasi xabsiga dhigeen saddex nin oo u dhashay dalka Britain.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay in wadahadal la fureen kooxda Taalibaan ee maamusha Afganistan, si ay u badbaadiyaan nolosha muwaadiniin British ah oo gacanta ugu jira kooxdaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka shaqeenayaan bad-qabka muwaadiniintoona gacanta Taalibaan ku jira, waxa uuna xusay in ay sameenayaan dedaalo badan si ay xiriir ula sameeyaan muwaadiniintooda xiran.

Muwaadiniinta Britain u dhalatay ee gacanta ugu jira kooxda Taalibaan ayaa labo kamid ah waxa ay u xiran yihiin kooxdaasi ilaa bishii Janaayo, halka midka kale aan wali la ogeyn inta kooxdaasi gacanta ugu jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut oo sii kordhaysa

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo xiray garoonka Diyaaradaha ugu weyn ee Israa’iil

Cabdi Cade

Ayatollah Ali Khamenei oo Farriin adag u diray Cadawga Iran kana digay afgembi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---