Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan oo Maraykanka ku eedeeyey inuu taageero argagaxisada

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu taageerayo argagixisada isla markaana uu garab siinayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK.

Turkiga ayaa ku eedeeyay dilka 13 qof inay ka dambeeyeen kooxda PKK, hase ahaatee Mareykanka ayaa sheegay in uu cambaareynayo dilka waa haddii la xaqiijiyo in kooxda PKK ay ka dambeysay.

Erdogan ayaa ku tilmaamay hadalka Mareykanka mid jees jees ah ah, taasoo keentay in Turkiga u yeero safiirka Mareykanka u fadhiyo Ankara kadib caro ka dhalatay hadalka kasoo baxay Mareykanka.

Turkiga wuxuu sheegay in 13 qof laga helay god ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Ciraaq ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ee PKK oo ay halkaa ka fuliyeen.

PKK ayaa sheegtay in 13ka qof ee Turkiga ah oo iskugu jiray milateri, Boolis iyo Sirdoon ay ku dhinteen iska horimaadka dhexmaray labada dhinac.

hase ahaatee Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa sheegay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay madaxa kaga taallo rasaas taasoo muujineysa in loo gaystay dilal bareer ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal Xubno badan looga dilay Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Ceel Dheere

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in taliyihii uu Farmaajo shaqada ka joojiyey uu howshiisa iska wato?

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu baaqay in Isbedel deg deh ah ku sameyso ciidankeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---