Banaan baxa ay ku baaqeen Musharaxiinta iyo Cabsida lasoo daristay shacabka Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in shacabka magaalada Muqdisho jimcaha isugu soo baxaan banaan bax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo laguna dalbanayo Doorasho.

Banaan baxa ayaa sida golaha Midowga musharaxiinta shaaciyeen waxa uu ka dhacayaa taalada Daljirka Dahsoon, waxa ayna ugu baaqeen musharaxiinta taageerayaashooda in ay usoo baxaan dibad bax si nabdoon u dhaca.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana inta badan kasoo horjeestay banaan baxan lagu baaqay halka qaar kalana ay taageersan yihiin iyaga oo sheegay in ay ka qeyb galayaan banaan baxaasi si rabtitaankooda u muujiyaan.

Dadka qaar ayaa sheegay in banaan baxa xiligan ay dhibaato ka dhalan karto sida in ay isku dhacaan dibad baxayaasha iyo ciidamada amaanka sidoo kale ay ka abuurmi karaan rabshado dalka halis galin kara amaankiisa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaana laga cabsi qabaa in ay isku dayaan fashilinta banaan baxa taa oo suurto gal tahay in ay ka felceliyaan golaha Midowga Musharaxiinta oo iyana heesta ciidamo badan oo ilaalo u ah.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana ka cabsi qaba in banaan baxan lagu baaqay abuuro xasarad halis galin karta amaanka caasimada, waxa ayna dhinacyada siyaasada isku haya ugu baaqeen in si nabdoon u xaliyaan khilaafka jira

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -