Xukuumada Soomaaliya oo Eedeyn u jeedisay Maamuladii ka hor yimid Sharciga Batroolka

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay Sharciga batroolka dalka oo horey u usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Sharcigan ay ansixiyeen Xildhibaanada golaha Shacabka waxaa ka hor yimid maamulada Puntland , Jubbaland iyo Galmudug oo sheegay in aan sharcigan aan lagala tashan sidoo kale ku deg degeen Baarlamaanka ansixintiisa.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa si adag uga hadlay sharcigan ay ansixiyeen labada Golle ee dowlada sababta ay uga hor yimaadeen qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka sababta ay maamulada qaar u diideen sharciga batrooolka in ay tahay in ay ka waayeen dano iyaga u gaar ah, waxa uuna meesha ka saaran cabashada maamulada ee ku aadan in aan laga talo galin sharcigan.

”Sharcigan waan ka talo galinay oon la wadaagnay maamul goboleedyada, waxaana kuu sheegayaa inta doodeysa ee kasoo horjeeda sharcigan waxa ay ka waayeen dano iyaga u gaar ahaa” Ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedada dalka aaa ka hor yimid sharciga batroolka Soomaaliya ee la ansixiyay,. waxa ayna sheegeen Madaxda in aysan aqoonsaneyn sharcigaasi wax iyaga quseeyana aysan aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -