Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka iyo Faah Fahaino kasoo baxaya

Qarax xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Koontaroolka laga ilaaliyo Madatooyada.

Sida aan wararka ku helay qaraxan xoogan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee yaala isgooska Sayidka.

Warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in gaariga qarxay oo nuuciisu NOAH ahaa  ayaa xoog kusoo dhaaftay Isgooska Dabka, waxaana gaarigan oo ciidamada rasaas kasoo daba rideen ugu dambeyn ku qaraxday koontaroolka Sayidska.

Waxaa lasoo sheegayaa in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska.

 

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -