Diin Diin si weyn looga baadi Goobayo Muqdisho iyo Gobolada Qaar iyo Lacag badan oo ..

Waxaa si kedis ah halmar loogu baraarugay iyadoo la hadalhayo in xayawaanka DII’DIINKA nuuc ka mid ah la rabo oo doolar lagu doorsanayo cidii keenta Soomaaliya oo dhan warkaasi ku wada saakhay.

Qofkasta Soomaali ah waxa uu dadaal dheer u gallay sidii uu ku raadin lahaa nuuca Diinka la rabo si markaasi uu ugu badasho qarashkii la sheegay.

Ma jirto hay’ad si rasmi ah u shaacisay in larabo Xayawaankan balse waxaa jira warbaahino qaar oo ka mid ah kuwa Soomaalida in lagu shaaciyay in la doonayo Xayawaankan oo qarash kumanaan kun oo dollar lagu doonayo, Warbaahinada shaaciyay Diinka ayaa sheegay in xayawaankan la ogaaday in muhiim yahay islamarkaana loo adeegsan karo technology’yada casriga ah.

 

Dadka sida aadka ugu mashquulay waayahan doonista Diinka ayaa waxa ay ku raadiyaan siyaabo badan waxaa la leeyahay Diinka marka lasoo qabto waxaa la saaraa Miraayad hadii ay jabto waa nuucii la rabay, sidoo kale Mobile ayaa la saarayaa hadii uu damo sidoo kale waa nuucii la rabay, sidoo kale Sakiin ayaa Caloosha laga saarayaa ama dhabarka hadii ay qabato waa nuuca la rabay, Intaas calaamado hadii laga helo waa kii la rabay.

Illaa hada waxaan jirin cid laga maqlay oo ku guuleysatay oo heshay xayawaankan, xitaa dadka qaar oo ka mid ah kuwa sida aad ka ah u raadiya Diinka ayaa ku weydiinaya meesha ay geeynayaan hadii ay hellaan kuwaas oo aan xitaa ogeyn meesha lagu hagaajinaayo ee lacagta looga soo badalanayo.

Waxaa jirtay sanadkii 1995 sidan oo kale in dabacadeeye si aad ah loo doondoonayay taasoo Soomaalida oo dhan ay ku kaceen, xiligaas oo la lahaa waxaa lagu badashaa lacag mana jirin qof ku guuleystay oo taariikhda ku xusan.

W/Q Asad Dhayow   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -