Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Taliye kuxigeen ciidan iyo Taliyaal  kale oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya waxaa looga qaaday Fahad Yaasiin waxaana Fahad Wareegtadan loogu magacaabay in uu noqdo Taliye kuxigeenka Hay’ada Nabad Sugida.

Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya xilka looga qaaday taliyihii ciidanka Milatraiga Soomaaliya iyo abaanduulaha ciidanka, waxaana mar kale taliyaha Milatariga loo magacaabay Generaal Daahir Indho Qarshe.

Halkan ka Akhriso Digreetada Madaxweynaha

  1. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -