Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu laayay dalka Koonfur Afrika (Sawirro + Magacyada)

Dalka Koonfur Afrika waxaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi u aaday sidii ay uga heli lahaayeen nolol iyo amaan dhaama tii dalkooda ka jirtay.

Deegaano hoostaga magaalada P E ee gobolka Estreen Cape waxaa shalay subax lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed halka dhaawacna loogu geestay wiil la dhashay muwaadinka la dilay kaa oo hada lagu daweenayo isbitaal kuyaala magaalada.

Waxaa sidoo kale xalay deegaanka Injooli ee magaalada P E lagu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah kadib markii lagu weeraray goob ganacsi ay ku sugnaayeen sida uu noo xaqiijiyay Axmed Xasan Dool( Sudani) oo kamid ah hogaanka jaaliyada Soomaaliyeed.

Magaalada Cape Town ayaa sidoo kale habeen hore lagu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed kadib markii kooxo burcad ah ugu tageen goobtiisa ganacsi kadibna ku dhax dileen.

Magaalada P E waxaa saakay yaala meydadka sadex muwaadin oo Soomaali ah kuwaa oo walaac xoogan ku abuuray Soomaalida, waxa ayna ganacsata wadaan qorshe ay goobahooda ganacsi ku xirayaan si ay u muujiyaan dhibka lagu hayo.

Axmed Dool ayaa sheegay in xalay magaalada P E ku hoydeen meydadka sadex Soomaali ah iyo labo Itoobiyaan ah oo la dilay, waxa uuna sheegay in ganacsiyada inta badan la xiray ayna doonayaan in la hadlaan Warbaahinta iyo Hay’adda xaquuqda aadanaha u dooda.

Dalkan ka Akhriso Magacyada Soomaalida lagu dilay South Africa

1-Naasir Abuukar Biyamaalow

2-Cabdi xakiin jeelle

3-Mikaa’iil Bitoow

4-C/llaahi Maxamed Xuseen

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay meel lagu gumaado muwaadiniin Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha iyo amaanka u raadsaday, waxaana dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay lagu laayay Soomaali badan mana jirto cid wax ka qabatay gumaadkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -