Wararkii u Dambeeyay Ciidamada Janaraal Xuud oo saakay Weeraray Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay ciidamo ka amar qaata Janaraal Xuud iyo ciidamada Hirshabelle uu ka dhacay qeybo kamid ah Baladweyne.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Janaraal Xuud weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata maamulka Hirshabelle oo saakay lagu daadiyay qeybo kamid ah Baladweyne gaar ahaan kuwa ku sugnaa xaafada Kooshin.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka kooban ee labada ciidan ku dhax maray xaafada Kooshin, xaalada ayaa hada degan, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in labada dhinac mar kale dagaalamaan.

Ciidamada taabacsan Janaraal Xuud ayaa la sheegay in ay ka caroodeen tacadiyada ciidamada maamulka Hirshabelle ku hayaan dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Baladweyne gaar ahaan kuwa taageersan siyaasada Janaraalka.

Janaraal Xuud oo jabhad hubeesan ku heesta duleedka magaalada Baladweyne ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe, waxa uuna Janaraalka ciidamo hubeesan ku aruursanayaa duleedka Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -