Madaxda ku shirsan Dhuusomareeb oo Isfaham ka gaaray Qodob muhiim ah 

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaana looga arinsanayaa arimaha doorashada muranka ka taagan yahay.

Madaxda ku shirsan Dhuusomareeb ayaana ka doodaya qodobo xasaasi ah ay ku kala aragti duwan yihiin, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee laga doodayo kamid ah arinta Muranka Gedo, Guddiga doorashada , Doorashada xubnaha Somaliland iyo xubnaha aqalka sare laga siiyay Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay madaxda shirka u socdo ayaa isfaham ka gaaray doorashada xubnaha gobolada Waqooyi ku matalaya labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana madaxda maamulada qodobkan markii horaba wax badan ka quseyn.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamulada isfaham ka gaareen qodobka soo xulida Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland ayna wali wax yar ka harsan yihiin qodobkaasi.

”Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Soomaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray Waxna wayn ka dhiman yihiin” ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Cali Ciid ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda shirka u socdo si weyn uga doodayaan arinta Gobolka Gedo iyo khilaafka ka taagan guddiga doorashada, waxa uuna rajo ka muujiyay in qodobadan iyana filayo in isfaham laga gaaro.

Shirka wadatashiga ee u socda Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa meel xasaasi ah maraya, waxaana qodobada ugu adag yahay arinta gobolka Gedo oo isha lagu hayo in xubnaha aqalka sare uu saxiixay Farmaajo in Banaadir la siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -