Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

DEG DEG: Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed oo xilka iska casilay

Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkaas ka dib muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada.

Ilyaas Cali Nuur oo ka hadlayey sababta uu isku casilay ayaa sheegay inuu u dulqaadan waayay gumaadka lagu haayo beeshiisa.

Wasiir Ilyaas ayaa xusay in Madaxweyne Laftagareen uu ka diiday inuu xabbadda ka daayo dadka ku reerka ah ee uu weeraray shalay, taasoo uu xusay inuu ka diiday .

“Anigoo Ilyaas Nuur Cali oo maskaxdeyda ay tahay taam waxaan iska casilay laga bilaabo maanta xilkii wasiirka warfaafinta Dowlada Koonfur galbeed, sababtuna waxay tahay markaan u adkeysan waayey leynta uu dadkayga lagu haayo” ayuu yiri Wasiirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirro kale oo ka tirsan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee KGS ay qorsheynayaan iney iska casilaan xilka saacadaha soo socda, waxayna arrintani culeyska ku sii kordhineysaa diidmada looga soo horjeedo muddo kororsiga Laftagareen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA EE ISCASILAADA

Related posts

Britain oo ka qeyb qaadaneyso Mashruuc laga fulinayo gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Mareykanka oo si xun ula dhaqmay Nin Madow ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Queenstown iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---