Xildhibaan sheegay in Maamuuskii uu mudnaa aaska Janaraal Galaal in aan loo sameyn

Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay qabuuro kuyaala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu aasay Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya oo lagu dilay weerarkii lagu qaaday hotelka Afrik.

Aaska Janaraal Galaal kama aysan qeyb galin Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug oo dhamaan ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb xili aaska uu ka dhacayay magaalada Guriceel.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Baarlamaanka federaalka kana qeyb galay aaska Janaraal Galaal ayaa sheegay in Mudnaantii iyo maamuuskii ay ahayd in loo sameeyo aaska marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal uusan helin.

”Mudnaantii iyo maamuuskii ay ahayd in loo sameeyo aaska marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal maanta ma helin. Meel aan ka fogeyna godka xalay loo hooyay Janaraal Galaal shucuurta madaxdii Federaalka iyo Galmudug si kale ayey u taalay” ayuu yiri Mahad Salad.

Madaxda sare dowlada federaalka ayaa ka qeyb gali jiray aas qaran oo loo sameeyo Madaxda iyo saraakiisha sare sare ee geeriyoota, waxa ayna Madaxda Dowlada qaar ka qeyb galeen janaasadii Marxuumka lagula dukaday Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -