Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay isimada Gobolka Bari (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari

Xubnaha uu ka kulmay waxaa ka mid ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Isimadan ayaa ah kuwii dhowaan soo saaray bayaankii looga soo horjeeday talaabadii uu xilka kaga qaaday taliyaha ciidanka PSF iyo go’aano kale oo ay ka mid yihiin in qeyb ka mid ah dakhliga dekeda Bosaaso loo qoondeeyo horumarinta magaaladaas

Kulanka ayaa looga hadlaya Xaalada Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay Kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada Gobolka Bari, lamana sheegin natiijada ka soo baxday shirkan, waxaana jira warar sheegaya in kulamo kale lagu balamay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Todobaadlaha ah, oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashada Golaha Shacabka JFS, Mashaariicda Horumarinta ee ka socda Boosaaso sida Mashruuca Horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, Xaaladda Abaaraha iyo Xaalada Saax-Maygaag iyo Sangejabiye.

- Advertisement -