Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil cusub oo loo Magacabaay ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Saraakiil cusub u magacaabay taliska ciidanka daraawiishta maamulkaas

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali,

Markuu arkay, Qodobada 6aad iyo 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Ku qancay aqoonta iyo khibraddooda.

-Tixgeliyay baahida loo qabo dhammaystirka iyo dib-u-habaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo isla markaana sameeyey la tashiyo,  waxa uu Xeer hoggaamiye 30/2025 ku magacaabay saraakiishan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-

  1. S/Guuto Yuusuf Cabdillaahi Jaamac (Quuje) Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
  2. G/Sare Asad Cali duullanne

Taliyaha qaybta 25aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Farxaan Maxamuud Jaamac

Taliyaha Qaybta 6aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Cabdisalaan Yuusuf Muuse (Siigaale) Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

 

Related posts

Qaxooti laga qaaday Liibiya kuna jiraan Soomaali oo gaaray Kigali (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay deeq ka timid Midowga Yurub

Caydiid Ali

Sida xariga looga jaray Garoonka Muqdisho Studium iyo sida ay wax u dhacayn Xarig jarka kadib !!

admin
Taboola Ads ---