Somalia oo safka hore ka gashay dalalka caalamka ugu qiimo jaban Internetka

Dalka Somalia ayaa dunida ka galay kaalinta 7-aad qiimeyn lagu sameeyey sicirka ugu jaban ee la iibiyo 1-dii GB ee adeega internet-ka.

Sida ku cad xog laga soo ururiyey 238 dal iyo Jasiirado caalamka ku baahsan taasoo lagu daabacay shabakada www.cable.co.uk,  1-kii GB ayaa waxaa la iibiyaa Somalia nus doollar ama $0.50.

Somalia ayaa sidoo kale kaalinta 1-aad uga jirta Afrika, iyadoo horumar wayn ku samaysay dhinaca internetka muddaddii 12-ka bilood ahayd ee ugu dambeeyay sida lagu sheegay qiimeynta.

Si ka duwan Somalia, dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Benin ayaan wax horumar ah  samaynin dhinaca sicirka internetka, balse way kasii dartay, iyadoo kasoo kacday kaalinta 215-aad ee caalamka iyo tan 49-aad ee Afrika marka la eego dalalka ugu qiimaha jaban internetka.

Dalka Benin oo sanado ka hor 1 GB la iibinayey $20.99, ayaa haatan qiimahaas uu si weyn uga sara maray, waxaana 1-GB ay hadda ku bixisaa $27.22 taasoo ah qiime caqliga ka baxsan oo aad u sareeya.

Somalia ayaa weli u baahan in la sii dhimo sicirka internet-ka guryaha la geliyo, si ay u gaarto dalalka ugu rakhiisan data-da mobailka iyo midka guryaha intaba, sida India, Israel, Kyrgyzstan iyo Italy oo dunida ugu qiime jaban internetka.

Dalalka dunida ugu qaalisan internetka ee aadka uga dambeeya dhanka kaabayaasha isgaarsiinta ayaa waxaa ka mid ah: Cook Islands, Christmas Island, Eritrea, North Korea, Marshall Islands, St. Pierre and Miquelon, South Sudan, Tuvalu, Venezuela, Wallis and Futuna, Congo DR, Vatican City (Holy See), iyo Zimbabwe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -