Yaa Bixiya Kharashka Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya ? !!

Xilli dadweynaha ay sugayaan in dalka laga hirgeliyo hannaanka doorashadii lagu heshiiyey xagaagii dhawaa (September 17, 2020) ayay si aad ah u kala qeybsan yihiin dowladda iyo mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya. Haba raagtee hirgelinta heshiiska, haddana nidaamka doorashada dadban ma ah mid la barbar dhiggi karo hannaanka doorashada codbixinta qof iyo cod.

Sideedaba doorashada dadban waxaa hareeya cod iibsi iyo faraggelin shisheeye sida ka muuqata dhaqdhaqaaqyada tabarruc doonka ah ee ka socda magaalooyinka Nairobi iyo Dubai. Walow faraggelin shisheeye ay halis u tahay xitaa doroshada qof iyo cod haddii aysan dalka ka jirin sharciyo iyo xeerar loogu talaggalo in lagaga hortago, haddana iibsiga codbixintu waxuu carqaladeeya geeddisocodka dimuqraadiyada curdunka ah ee uu dalka hiigsanayo.

Soomaaliya ma laha shuruuc dhaqan gashay oo nidaamisa la socodka lacagaha ololaha doorashooyinka lagu bixiyo (kharashgareeyo), mana jiraan wax kaalmo dhaqaale ah oo ay dowladda ku yaboohi karto marxaladdaan musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada dalka. Musharrixiintu laftoodu iskumaba taxalujiyaan inay dadweynaha tabarrucaad ama deeq weydiistaan, mana ka hadlaan cidda maalgeliso ololayaashooda!

Dhaqaalahaas daahsoon oo ah nooc ka mid ah faraggelinta shisheeyaha ee doorashooyinka waa iskudayid ay gacmo shisheeye (dowlado, hay’addo samafal iyo deeq-bixiyeyaalba) si qarsoodi ah amase si muuqataba ku saameeyaan hoggaanka Soomaaliya, si qofka degi doono Villa Somalia ay saameyn ugu yeeshaan ugana fushtaan danahooda gaarka ah.

Si kastaba ha ahaate, Soomaalidu aad bey uga walaacsan yihiin faraggelinta shisheeyaha ee doorashooyinka dalka, wolow dhaqanku uusan ahayn mid ku cusub dunida. Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti (iyo wixii ka dambeeyay Ruushka) uma kala harin faraggelinta sanduuqa codbixinta.

Balse, waxaa cajiib ah in marka la eego doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay muxaafidiinta amase mucaaradiintaba midkoodna weligiis uusan sheegin macagcyada dalalka uu gacanta ka helay iskaba daa tirada tabarrucaadda soo gaartay.

Khatarta faraggelinta shisheeye waa dhacdo sii kordheysa una baahan in wax laga qabto. Weliba waxay noqotaa mid halis ah markii uu shisheeyuhu raacanayaan dano isdiiddan sida dalalka Khaliijka kumana koobna lacag iyo dacaayad ee waxay yeelan kartaa habab badan oo halis ah.

Internet-ku waxuu ka dhigay dagaalka dacaayadda doorashada mid fudud, jaban oo waxtar badan, aadna u adag in la joojiyo. Soomaaliya kama badbaadi karto halistaas dhowr arrimood awgeed: (1) Maqnaashaha sharci dhaqangal ah oo nidaamiya la socodka lacagaha shisheeyaha; (2) Kala qaybsanaanta dhinacyada siyaasadda oo kicinaya rabitaanka quwadaha shisheeye ee faraggelinta gudaha; iyo (3) Dalka oo si dirqi ah u xeereeyo hadalka iyo saxaafadda (The country barely regulates speech and the press).

Marka dib loo qiimeyo dalalka faraggeliya doorashooyinka dalka, waxaa waddamadaas loo kala qaadi karaa kuwo laga yaabo inay taageerayaan dib u soo laabashada nidaamka hadda jira sida dalalka Qadar iyo Itoobbiya, iyo kuwo baadiggoob ugu jira musharrax mucaarad ah oo danahooda waafaqsan sida Imaaraadka, Kenya, Masaarida iyo Britain (UK).

Tan 2009kii, Dooxa marna ma seegin musharrixiintii ku soo baxayay doorashooyinkii madaxtooyada, halka Abu Dhabi ay lid ku wada noqotay markii ay ka fushan kari waydey danaheeda. Isla waagaas, Nairobi waxay si maldahan amase cadba u soo maleegaysay qorshe lagu haggardaameynayay madaxweynaha xilka loo doortay – Shariif Sheikh Axmed (2009-2012), Xasan Sheikh Maxamuud (2012-2017) iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo (2017-2021).

Waxaase cajiib ah in baaritaankii wargeyska “Jamhuriyadda” uu ku sameeyey saameynta lacagta ku leedahay ololaha doorashooyinkii 2012 iyo 2017 ay caddaatay in hadba ninkii bixiya lacagta ugu badan mar kasta uusan go’aamin natiijada doorashada. Taas waxaa u daliil ah guushii Maxamed Cabdullahi Farmaajo (2017) iyo tii Xasan Sheikh Maxamuud (2012) oo dad badan filanwaa ku noqotay.

Nasiibwanaag, doorashadii madaxweynaha ee ugu dambeysay 2017, waxaa dalka ka hirgalay oraahdii Salaad Cali Jeelle ee ahayd “beeso waa qaadasho”. Oraahdaas dulucdeedu waxay ahayd in codbixiyeyaasha ay qaataan lacagta la siinayo, balse ay u codeeyaan damiirkooda.

Soomaaliya waxay in muddo ah ka mid ahayd aag ay quwadaha shisheeye, gaar ahaan kuwa khaliijka ku tartamayaan saamaynteeda taas oo xaaladda jilicsan ee dalka u saamaxayso. Haddaba, su’aasha muhiimka ah in lays weydiiyo ayaa ah: Miyeysan ahayn xilligii dalka isku dayi lahaa inuu hormariyo xeerar ka dhan ah faraggelinta shisheeyaha ee qarsoon?

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qassim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -