Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Dowlada Goboleedka Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb waxaa kusoo dhaweeyay Lafta Gareen ugana hortagay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Kaarire iyo Masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aadan magaalada Dhuusomareeb gaaraan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale ee dalka iyo Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka wadatashiga.

Shirkan ayaana la filayaa in caawa ka furmo magaalada Dhuusomareeb ayna ka qeyb galaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, shirkan ayaana looga arinsanayaa khilaafka ka taagan doorashada muranka ka taagan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka dad badan oo laga helay goob lagu Caweeyo oo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin & Cali Guudlawe oo isku dhacay iyo go’aano laga qaadanayo doorashada

Caydiid Ali

Jabhadda Buurta Gacan-libaax ee diidan Muuse Biixi oo talaabo culus qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---