Cali Guudlaawe oo si wayn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle ku yimid Galmudug ayaa qeyb ka ah socdaalo la filayo in Madaxda DFS iyo DX ka ah kusoo gaari doonaan Caasimadda Galmudug maanta.

Sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aadan magaalada Dhuusomareeb gaaraan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale ee dalka iyo Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka wadatashiga.

Shirkan ayaana la filayaa in maalinta bari ah ka furmo magaalada Dhuusomareeb ayna ka qeyb galaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, shirkan ayaana looga arinsanayaa khilaafka ka taagan doorashada muranka ka taagan iyo sida laga yeeli lahaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -